Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha SADE ee Gobolada Jubbooyinka,kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay ka soo horjeesteen qaabka loo xuley Ergada beeshooda ay qeybta u heshay,islamarkaana ka qeyb galaysa shirka maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Xubnahan oo la soo xariirey Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in loo xuley xubno ayan raali ka hayan Beesha,islamarkaana aanan ku imaan rabitaanka Bulshada ay metalaan,waxayna sheegeen inaysan aqbali doonin natiijo waliba oo kasoo baxda shirka arimaha Jubbooyinka ee maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalayaan ergooyin gaaraya ilaa 150-xubnood.
Nabadoon: Cumar Cali Dirshe (Ilkacase) oo wareysi dheer siiyey warbaahinta Wadajir ayaa sheegay qaabka loo soo xuley Ergooyinka metalaya Jubooyinka in ay tahay mid aan la aqbali karin,isagoona xulista Xubnaha ka qeyb galaya shirka muqdishona ku eedeeyey Ugaaska Beesha SADE ee Gedo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Jenaral.Farataag oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ee Jubba.
Hadaba su,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey nabadoon Ilkcase ayaa waxay ahayd waxa ay ku diidan yihiin Xubnaha ka socda Beeshooda ee loo xulay ka qeyb galka Shirka Muqdisho,waxaana uu ku jawaabay sidatan?
Wareysi Nabadoon Cumar Cali Diirshe oo ka soo horjeestay Ergada loo xuley Jubbooyinka
Sidoo kale ayaa Beesha Direedna maanta isaga baxay
Sidoo kale ayaa Beesha Habargidirna waxay ka baxday Shirka