Kulan Balaaran oo ay maanta isgu yimadeen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka JF ah ee Soomaliya ayaa waxa ay uga soo Horjeestewn Shirka Arimaha Jubooyinka ee kasocda magaalada Muqdisho.
Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka iyo go’aamada ay gaareenba Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka JF ah ee Soomaaliya hore usoo noqday gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ahaa ee Soomaaliya.
Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa waxa uu sheegay In kulankooda ay ku lafa gureen xaaladaha Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirka Arimaha Jubooyinka ee muqdisho ka socda waxayna Xildhibaanadii ka qayb galay kulanku isku raaceen in uu sharci daro yahay kulanka ayna ka horjeedaan
Sidoo kale ayaa waxa goobta ka hadlay Xildhibaan Xuseen Muuse (Xuseen Baantu),Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil iyo Xildhibaan Xildhbibaan Daahir Amiin Jeesow oo isna dhankiisa shegay in shirkii Adis ku dhamaaday uu ahaa Xaaran midkana uu yahay Sido kale wuxuna sido kale shegay in ay kaso horjeedan Shirkaas isla markasna aysan aqoonsanayn wixi kaso baxa Shirka Arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho Kasocda.
Halkan ka dhegayso
hade pro cabdullhi sh cismaan maxaa looga tagay
Hal booli ah nirig xalaal ma dhasho maxaa yeelay jubooyiinka abgaal iyo ogaadeen ma laha degaan waa layaqaana cida iska leh
waa la yaab dadkii dhibka somalia u horseeday ayaa bilaabay dhuk boobkii lagu yaqiinay dadkii lahaa jubooyinka ayay bananka dhigtay dowladii xasan sheekh dulmi ayuu ka taliyay illaah ayaase u maqan umada deegaan jubooyinka lahaa oo boobka lagu haayo xaqa waa uu dilaacayaa waxii ka dhashan xasan sheekh ayaa masuulada qaadaayo haddii uu isleeyahay ninkii qoray wata oo cadow wadanka ku soo hogaamiyay ayaa wax wadi karo waa la arki doonaa ninkii aan hub wadin
Comments are closed.