Dhegayso….Xiisado Colaadeed oo u dhaxeysa Beelo wada dega degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

0
66

gedoXiisado Colaadeed oo u dhaxeysa Beelo wada dega degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa maalmahii ugu dambeeyey ka taagneyd degmadaasi,taasoo maanta cirka isku shareertay ka dib markii is rasaaseyn maanta ka dhacdey degmadaasi oo ku dhintey Nin Ganacsade ah oo lagu magacaabi jirey Diiriye Isaaq Xareed .

Arintani ayaa waxay ka dambeysay ka dib maalmo ka hor dabley hubaysan ay rasaas ku fureen Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ee degmada Luuq,kaasi oo soo gaarey dhaawac culus,askarigaasi ayaa maanta u dhintey dhaawacii soo gaarey,maadama labada nin ee dhintey ay isku beel ka soo jeedaan waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Luuq.

Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin(Daqare) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan Magaalada Baladxaawo waxuu ugu baaqey labada dhinac in ay joojiyaan Colaada,islamarkaana khilaafkooda ay ku dhameeyaan wada hadal.

Halkan ka dhegayso

Xiisado colaadeed oo ka taagan degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo xildhibaan ku baaqey in la joojiyo colaada (1)

Mobilkaaga ku dhegayso

 

Daafeet.Com