Afar qof oo lagu eedeeynayo weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo ay ku geeriyoodeen 67 qof ayaa maanta la soo taagay maxkamada ku taala dalkaasi.
Booliska ayaa sheegay in raggani ay guryahooda oo ku yaala xaafada islii ay u ogolaadeen in ay seexdaan dadkii weeraray xarunta ganacsiga ee Westgate Mall,xiriirna ay la sameeyeen kooxahaasi afar maalin ka hor inta uusan weerarku dhicin.
Raggan oo aan loo qaban wax qareen ah oo u dooda ayaa maxkamad ka hor sheegay in aysan wax danbi ah laheyn,iyagoo sidoo kale lagu eedeeyay in ay dalka ku joogeen sharciyo been abuur ah.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in raggani afarta ah ay sii haayaan booliska,inta laga sameeynayo baaritaano dheeraad ah.
Lama sheegin dalalka ay u kala dhasheen raggani,laakiin waxaa la sheegay in ay asal ahaan yihiin soomaali.
Daafeet.Com