Tiro ku dhow Lixdan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedraalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa waxay sheegeen in dowlada Fedraalka ay ku tumatay sharcigii dalka u yaalay sidaas daraadeedana ay sameeyeen gudi ka kooban toban xubnood oo ay ugu talagaleen inay saxaan Dowlada.
Kulanka oo daba joogay kulamo gooni gooni ah oo ay bulshada qaybeheeda kala gedisan horay uga yeesheen waxa loogu yeeray Shirka Arimaha Jubooyinka ee Muqdisho kaasi oo ay diidmo ka wada keeneen sidaa si lamid ahna maanta ay xildhibaanadan ku diideen Shirka.
Hadaba arimaha kulan,Waxa looga hadlay,Cida ka qaybgashay iyo waxa go’aama ah ee ay soo saareen ayaa waxaan ka wareysanay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qayb galay.