Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay inay imaan doonaan Soomaaliya quburo ka socota Qaramada Midoobay oo ka caawin doona doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadka 2016-ka.
Prof. Jawaari ayaa hadlkan ka sheegay kulan uu baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeeshay Muqdisho, isagoo sidoo kalena xusay in dhawaan ay ka doodi doonaan hannaanka asxaabta badan ee dalka.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay kasoo jawaabtay codsi ay horay ugu gudbiyeen oo ku aaddan inay baarlamaanka ka caawiyaan dhinaca doorashooyinka ayna u soo diraan quburo caalami ah.
Guddoomiyaha oo si hadlay ayaa yiri: “Maalmaha soo socda ka doodaynaa hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee dalka, kaasoo aan kaga gudbayno habka awood qaybsiga ee ku dhisan beelaha.”
Daafeet.Com
war hoooy adiga yaakudorty hort qayla loomabahne jawariyow
Comments are closed.