Madaxweyne Xasan Shiikh Burbur maka badbaadin karaa Shirkan burburay ka hor bilowgiisii.

2
97

bir

 

 

 

 

 

Ilo wareedyo warkooda laysku halaynkaro ayaa waxa ay ku waramayaan in kulan qabanqaabo loogu jiro badbaadinta shirka fashilka hareeyay ee arimaha Jubooyinka ee Muqdisho ka socda haatan uu ka soconaayo gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia)ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo abaabulkiisu haatan socda ayaa waxaa codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu shirka arimaha Jubooyinka uu uga badbaadiyo fashil ku yimaada sidoo kale ayaa kulankan waxaa lagu wadaa inuu ka qaybqaato wasiirka arimaha dibada dowlada Ethiopia oo dalka u yimid in uu goob joog ka ahaado soo af-meerida shirka Dib u heshiisiinta bulshada Jubooyinka ee maanta lagu guul daraystay in la soo afmeero.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karno, Madaxweynaha ayaa waxa uu doonayaa inta uu kulankaasi socdo in xal laga gaaro khilaaf hareeyay shirka arintaas oo sababtay in leesku qabsado qodobada qaar saxiixooda iyo go’aanka ugu danbeeya cida leh.
Fashilka Shirka ee Maanta
Wararka ugu badan ee maanta ka soo baxayay shirka ayaa waxay ahaayeen in laysku haysto guud ahaan wixii dadka ka dhexeeyay sida Awooda maamulka,Tan ciidamada,tan deegaanada iyo weliba Saxiixa warmurtiyeedka shirka kasoo bixi doona Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa waxa ay daaha ka rogeen in dhamaan dhinacyada ka qeyb galaya shirka ay doonayeen in shirka ay wax ka wadda saxiixaan arintaas oo Axmed Madoobe uu gaashaanka u daruuray uuna ogolaaday oo kali ah in isaga oo dhinac ah iyo dhamaan ragii madaxweynayaasha sheegtay oo dhinac ah ay saxiixa leeyihiin oo kali ah.
Sidoo kale ayaa waxaa uu Axmed Madoobe diiday hanaanka awood qeybsiga ay ku qanacsanyihii dhinacyada kale taas oo aheyd in dhamaan ragii madaxtinimada Jubaland sheegtay taas oo aheyd in dhamantood ay usoo istaagayaan awood qeybsi wax u tara.
Madaxweynaha KMG ah ee maamulka Jubba ayaa waxa uu sheegay in arintu aysan sidaa aheyn uuna ogolyahay oo kali ah in dhamaan raga ay kamidka yihiin Barre Hiiraale, Iftiin Baasto, Baaleey iyo raga lamidka ah ay ku yimaadaan hal awood hasa yeeshee uusan aqbali doonin dhinacya badan.
Khilaafkaan ayaa waxa uu sababay dib u dhaca soo af-meeridii shirkii dib u heshiisiinta bulshada Jubooyinka oo sedax maalin kahor ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya.
Si kasta oo loo dhigaba waxaan si toos ah loo saadaalin karin sida guul looga gaari karo khilaafkaan dib u dhigay soo xirida shirka dib u heshiisiinta ee lagu doonayay in lagu xaliyo dhamaan dhibaatadii ka dhacday deegaanada Kismaayo ku xeeran intii ay socdeen dagaaladii lagu hoobtay ee sababay in Axmed Madoobe iyo taageerayaashiisu ay u haraan magaalada Kismaayo kadib markii ay xoog uga saareen dhinacyadii kale iyaga oo gacan ka helaaya ciidanka dowlada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga dalka Soomaaliya.

Kolka laysku soo wada hooriyo ayaa waxay su’aashu tahay Madaxweyne Xasan Shiikh Burbur maka badbaadin karaa Shirkan burburay ka hor bilowgiisii….Jawaabta aan u daayo waqtiga..

2 COMMENTS

  1. nin kaadi badan waa loogogol badshaa xada axmed madoowe waa sidaas dowladda fadaralka somaliya waa kuceeboodey jabhada raskambone sumcadii dowlidnamadani wey ku ciyaarte df somaliya ceb caleeka xasan sheekh maxamuud

  2. SALAAMU CALEYKUM WALAALAYAAL. SIRTA HAWIYE IYO DAAROOD ISKA ILAALIYA, DANTA LAGA LEEYAHAY SHIRKAAN AYAA WAXAY TAHAY IN HAWADA LAGAGA SAARO SHIRKA KA SOCDA BAYDHABO. WARBAAHINTA IYO SHACABKA WAXAY KA HADLAYAAN KAN XAMAR MEESHII LAGA HADLI LAHAA KAN MUHIIMKA WEYN KU FADHIYA

Comments are closed.