Shirka Jubooyinka ee muqdisho iyo marin hababinta Umada Soomaaliyeed lagu hayo

0
58

kismaayoowMaxuma in dad la heshiisiiyo, waana wax aad loo soo dhaweeyo lakin yaa la heshiisiinayaa dad is dagaalsanaa oo wax ka dhaxeeyo ama dad aan dagaalsaneyn, Yaa la heshiisiinayaa.

Jubooyinka waxaa ku hardamaya beelo soomaaliyeed oo qaarkood deegaanka ah iyo kuwo kaloo taageera lakin aan degaanka wax ka daganeeyn, hase yeehsee  heyb wadaag yihin qaar ka tirsan qabaailka deegaanka ah.

waxaa tusaale u soo qaadan karaa waxaa xor ah Kismaayo , ilaa xudeeda kenya inta u dhexeysa oo sedex degmo ah oo ka tirsan jubada hoose , waxaa intaas gacanta ku haya kooxda maleeshiyada  raaskaanbooni oo ah hal beel oo degaankaas wax ka daga iyo qabaailo ay bah wadaag yihin oo qaarkood rer jubooyinka ah , iyo ahlusunada Gedo ka howlgasha  waa marka ciidan ahaan loo hadlo.

hadaba maamulkaan jubo lagu shegay waxaa wax ka sameeystay

1- Raskanbooni

2-harti group

3- Ahlusunada gedo

4- Azaniyadii Pro.Gandi

5- Group cusub oo hada kusoo biirey oo u eg isbaheysigii dooxada Jubba

oo intuba ah marka loo eego hab beeleysiga ay somaliya u qeybsan tahay  hal dhinac oo ah beesha darood oo taagero ka helaayey Kenya oo ujeedo badan ah , kow ay rabto in ay xuduuda bada soomaaliya wax ka boobto, in ay aminigeeda ka ilaashato gudaha somalia iyo in ay saameeyn ku yeelato siyaasada Geeska afrika iyo dowlada Ethiopia OO iyagu isku qanciyey in ay soomaaliya ka maamusho dhankasta , gar ahaana jubooyinka ay heshiis kula gashay besha Ogaadeen oo wax ka daga SOMALIDA ETHIOPIA maamusho ee killinka oo ay aad mucaarad ugu ahaayeen nidamka ithiopia oo ay ka soo horjeedaan gumeeysiga lagu hayo dadka soomaaliyeed ee killinka dagan, sidaas daraaded dowlada Ethiopia waxa ay ku qafiifineysaa dagaalka kaga imanaya jabhada ku kacsan ee  ONLF oo ah jabhad ay leedahay  besha ogaadeen mudana dagaal kala soo horjeeday cidianka iyo nidaamka Ithiopia.

iyadoo laga duulayo heshiis hoosaad yadaas oo ka dhaxeya besha daarood iyo dowladaha deriska ah iyo beshaan oo u argtay in siyaasada xamar taala aysan saameeyn ku lahyen ay ku abuurtaan aag siyaasadeed ay ku gor gortaman si ay siyaasada kajirta somalia ay saameeyn la taaban karo ku yeshaan , tasoo ay ba hada leeyihin lakin u muuqata wax badsi.

Maamulka juba loogu yeray waxaa hogaamiye ka ah Axmed madoobe iyo fartaag oo hal beel ka soo wada jeeda tasoo aad ka dareemi kartid hamiga mesha yaala .

Dowlada Federalka ahna ay heshiis kula gashay sidaas , kasoo ku kooban Madaxweynaha iyo wasiir farax  oo iyagu ah hogaanka hagaya dalka inkastoo taagero ay ka heystaan siyasiyiin ay isku hadaf ama isku dano yihiin.

waxaa xusid mudan in maamulkan juba ay ka soo horjeesteen , dad ka degaanka jubooyina badankood gar ahaan ay hada muuqato in xitaa ragii ay isku doonta ahaayeen ay kala bodeen urur diimeedka Ahlusunna ee gedo ka howlgala dagaalna dhawaan ku dhexmaray Magaalda Buulo xaawo.

hadaba shirka xamar yaa lagu heshiisiinayaa oo dhabta ay tahay yaase isku haya meesha Beelaha direed wey qaadaceen, Digil iyo mirifle maba ku jiraan waxa ayba wadaan maamul ay ku mideysan yihiin lixda gobol ee koonfur galbeed soomaaliya dhaca oo ay jubooyinka ku jiraan, waxaa jira beelo kaloo badan oo diidan waxa ayw ado dowlada iyo kooxdaan jubba la baxaday.

wali dhulkii xor ma wada aha , dowladiina dastuurkii dalka ay u muuqataa in ay iska indho tireeyso gar ahaan xukuumada, shirkaana iyadaa garwadeen ka ah waxa ay na sheegtay in ay nabadeyneeyso dadka jubooyinka marka hadiiba dadkii dagaanka badankiisu ka maqan yihiin seey nabad ku dhacee mar hadii hal koox loo dhiibay masiirkii jubooyinka , soomahan marka waligeed yaan la heshiinin danteena maanta aan eegeynaa.

markan intaan ku soo koobo waxaa ii muuqata in hada ay bilow tahay dhibaatada ka soo socota jubooyinka hadii aan xal soomaaliyeed oo xaq ah dowladu horseedin ,dadka jubooyinkana maadaama ay soo mareen marxalado adag waa in ay  muujiyaan xilkasnimo wadaninimo ayna isku duubnaadaan si ay ugu hortagaan masiibo kale oo ku dhacda deegaankooda maadaama dowladii ay hal ila kaliyahw ax ku fiirineyso Cabdiraxmaan sheikh maxamed

 

Qore:-  Cabdirahman Sh Maxamed

 

Daafeet.Com