Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Sheegay In uu Rabo Nabad Iyo Maamul Wanaag Gobolada Dalka

0
50

xasan guurguurteMadaxweynaha dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh  ayaa sheegay in dowladdiisu ay la rabto dhammaan gobollada dalka nabad iyo maamul wanaag.

Xasan sheekh ayaa wuxuu intaasi ku daray  wuxuu sheegay in guud ahaan waddanka laga hirgelin doono nidaamka federaalka ee ay dowladdiisu ku dhisan tahay.

Waxa uu intaas raaciyay in hirgelinta nidaamka federaalka ee gobollada dalka ay horseedi karto in waddanku uu ku tallaabsado horumar iyo soo celinta dhaqanka dimuqraaddiyadda.

Xasan ayaa ku baaqay in la muujiyo wax wada qabsi buuxo, si loo kobciyo dhaqaalaha waddanka loona hirgeliyo nidaamka federaalka.

 

Daafeet.Com

Isagoo ka hadlayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Guurguurte wuxuu sheegay in uu marayo meeshii ugu wanaagsaneyd, wuxuuna uga mahad-celiyay dowladda Itoobiya dadaalka ay ku bixineyso inay Soomaaliya nabad ka dhalato.