Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya oo Ku Baaqay In Danta Soomaaliya Laga Horumariyo Mida Gaarka Ah

0
48

1Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa ku baaqay in danta Soomaaliya laga hormariyo danaha gaarka ah.

Waxa uu sheegay in danta guud ay ka muhiimsan tahay danaha shaqsiyadeed ee gaarka ah.

Dowladda federaalka ah iyo shacabka Soomaalida ayuu ugu baaqay in laga shaqeeyo nabadda, iyada oo wax wada qabsi la muujinayo.

Waxa uu Tedros guul u rajeeyay dhammaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha waddanka.