Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ka codsadey hey'adaha gargaarka in ey caawiyaan shacabka degmada Jowhar

1
82

xasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa shaley safar ku tegay magaalada Jowhar si uu u qiimeeyo Khasaaraha uu geystay fatahaada Webiga Shabeele, iyo inuu u muujiyo shacabka taageridda Dowladda.

Madaxweynaha ayaa hey’adaha gargaarka ka codsadey in gargaar deg ah loo fidiyo dadka ey dhibaatooyinka kasoo gaareen fatahaada webiga.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano, Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, Heyada Bisha Cas ee Turkiga, Heyadda Gargaarka ee Qatar, Masuuliyiin ka socday Isu taga Imaraadka Carabta, iyo Somali Chamber of Commerce.

Si kastaba arintu ha ahaatee safarkan ayaad moodaa mid lagu soo tusayo hay;adaha gargaarka bixiya dhibaatooyinkii uu geystey fatahada webiga maadaama uu intooda badan horey u kaxeystey madaxweynaha.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. war aniga waanba la yaabanahay dad dhiban oo dhibaato haysato ayuu salaan qaleel ah ugu tagay taas dhaqan somaliyeed ma ahaan jirin sidee wax ka yihiin xataa kartoon daawo ah xataa waa u geyn waayay meeshaan waxbaa jiro shancuurta dekeda laga qaado iyo eleboorka lacagtaas jeebka miyaa lagu shubtaa waa yaab madaxweyn sidaas u dhaq maayo oo caalamka u qeylinaayo caalam dadkiisa uu isagu u nixi waayay yaa u naxaayo illaah soo hanuuni dhibkaan dhusan mase faarax oo itoobiyaana ayaa amro waa yaab waxii la sheeg sheego waxbaa ka jiro

Comments are closed.