Dagaal khaasare kala duwan geystay ayaa shalay gelinkjii dambe ka dhacay deegaano ku yaalla duleedka magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, kaas oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo halkaaasi wada dega,waxaa dagaalkaasi oo iskii u istaagay maqribkii..
Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday khilaaf ku saabsan dhul iyo beero ay xoolo daaqeen,waxaana la sheegay in dhowrkii maalmood ee tagay ay xiisaddu halkaasi ka jirtay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay uu gaaray heer dagaal socday saacado uu ka dhaco deegaankaasi oo ku yaal dhinaca Waqooyi Bari ee magaalada Jowhar.
Illaa iyo hadda ma jirto tiro sax ah oo ah tirada dadka wax ku noqday iska horimaadkan, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in uu jiro labada dhinacba qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan in la joojiyo colaada. Madaxweynaha dowlada federalka oo shalay booqasho saacado qaatay ku tegey magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalmay in ay colaada joojiyaan waxana uu madaxweynuhu ka codsaday duqeyda dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in colaada la soo afjaro,
Daafeet.Com
Colaada maxaa lagu soi af jaraa brertaada aan kyla lahaado, taasi cadaalad ma noqonkarto, xaaji xassan xadka illah kuma geeyee, ku u socdana ma tihidee intaad dulmiga dusha ka dawooleyso abgaal beerteyda iguma qabsabkaro, anigaba xoolahiisa kuma haysto laba beelood oo walaalo agna ma jirto jareer iyo hawiye xageey walaalo bku noqdeen, walaaltinimada waxey imaneysa markaan kaa nabad hello hadaad awood dowlad nimo sheeganeysaan anagana dhulkaa vnoo hiilonaya jiinow na waan la soconaa inuu ku jiro siduu ku weerari lahaa dadkaan jareerta iyo beerahooda asigoo hadaba adeegsanaayo maleshiyo malintii dharka dowlada wataan hawenkina anaga noo soo gashta, balse beesha jareer weyne vyeelimeyso dulmi danbe , iyo gumeysi horleh,
Comments are closed.