Qarax dhimasho iyo dhaawac geystey oo ka dhacay Dalka Itoobiya

0
54

qaraxAfar ruux ayaa ku geeriyootay kadib qarax ka dhex-dhacay gaari shacab ah oo maraye Magaalo ku taala xadka Suudaan iyo Dalka Ethiopia ay wadaagaan.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Ethiopia qaraxa ayaa ka dhex-dhacay gaariga shacabka ay saarnaayeen, lamana oga cida rasmi ahaan uga dambeysa.

Qaraxan ayaa dhacay shalay oo arbaco aheyd sida Wakaalada Wararka ee Reuters uu u xaqiijiyay afhayeenka Dowladda Ethiopia Shimeles Kemal.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen dadkii saarnaa gaariga buska ah ee qaraxa uu ka dhacay, waxaana Afhayeenka Dowladda Ethiopia uu sheegay in qaraxa noociisa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro.

Ilaa hada majirto masuuliyada qaraxaasi cid sheegatay, waloow Dowladda Ethiopia ay shegtay inay wado baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxa.
 

Daafeert.Com