Kenya oo sheegtey iney duqeyn doonto xerooyinka Alshabab ku leedahay Koonfurta Somaliya

0
50

KDF+pxMilateriga Kenya ayaa shacabka ku nool Koonfurta Soomaaliya ugu baaqay inay ka fogaadaan saldhigyada kooxda Al-shabaab ay leedahay iyo baraha koontaroollada ah ee ay ciidamadooda kaga sugan yihiin Kooonfurt Soomaaliya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay inay duqeyn la beegsan doonaan goobahaas, isagoo xusay in digniintan ay u bixinayaan si aysan khasaare uga soo gaarin duqeyntaas dadka shacabka ah.

Sidoo kale, Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeennada milateriga Kenya ayaa isaguna u sheegay saxaafadda inay qorsheynayaan duqeymo kale oo ay la beegsadaan saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

Afhayeennada milateriga Kenya ayaa sheegay in 31-kii bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasoo ay ku dileen 300 oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Daafeet.Com