Madaxweynaha oo cambareeyey Qaraxii xaley ka dhacay Hotel maka Al mukarama

0
68

xasan guurguurteMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii qaraxa ee xalay Alshabab ay ka geysteen Hotel Maka-Al-Mukurama oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Ujeedadoodu waa shacabka geliya argagax oo yeysan Horumarka socda sii wadin. Laakin, waxaan si cod dheer ah ugu sheegeynaa nagama hor-istaagi kartaan Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga aan ku tallaabsanay, waana ku sii dhiiraneynaa Isla markaana aan sii labo jibaareynaa dadaalka Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga.”

Madaxweynaha oo tacsi u diary shacabka ayaa yiri ” Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku dhimatay Falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay. Sidoo kale dhammaan inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan siiyaan hay’adaha Amniga si loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxahan nabad- diidka ah.
Daafeet.Com