Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam , Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda ,Xoghayaha joogtada , agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha,Safiirada,Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen kooxda Alshabab oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.
Marxuum Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay Xiriiriye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK , ka hor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.
Marxuum Dhuub Ali oo da’diisu aheyd 51 sano-jir, ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur .
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Daafeet.Com
Ilaahow u naxariiso oo kitaabkiisa midigta kasii anaga gadaashiis hana fidneynin. Ehelkiisa iyo caruurtiisana samir iyo iimaan Ilaahow ku deeq. Amiin Amiin Amiin.
Comments are closed.