Reysulwasaare Saacid oo u Tacsiyeeyey dadkii ku dhintey werarkii xaley lagu qaadey Hotel Maka Al Mukarama

0
113

sacid“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray weerarkii argagixiso ee ay gaysteen nabadiidku Hotel Makka Al-Mukarama ee Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” .

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu si kulul u cambaareeyay weerarkan asagoo kuwa gaystayna ku sifeeyay cadowga ummadda ee diidan samaha iyo nabada.
“Waxaan dhaleecaynayaa weerarkan fulaynimo ee ujeedadiisu ahayd cabsi galinta shacbiga Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. “. Waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad kusii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono”.

Weerar qorshaysan ayaa lagu qaaday hotelka Makka Al-Mukarama oo saaran wadada Makka Al-Mukarama. Weerarkaasi waxa uu gaystay khasaare nafeed iyo mid hanitiyeed labadaba.
Daafeet.Com