Dhegayso…Maxamuud Siid Aadan"Shirka Jubooyinka ee Muqdisho ka dhacay waxa uu khuseeyaa Muqdisho iyo Kismaayo"

0
71

sayid

 

 

 

 

 

Xubno isugu jira Xildhibaano,Mas,uuliyiin iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo maalmahan howlo shaqo ku joogay  magaalada Baladxaawo ayaa markii ugu horeysay waxaa ay  rajo wanaagsan ka muujiyeen  dadaalo nabadeed oo laga dhaxwadey dhinacyo ka wada tirsan Dowlada iyo Ehlu suna oo ku dagaalamay Magaalada Baladxaawo.

Ex xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo ah la Taliyaha Ra,isal wasaaraha Soomaaliya ee dhinaca Amaanka,kana mid ah Wafdiga ku sugan Baladxaawo ayaa sheegay in ay kala qaadeen Ciidamadii isku hor fadhiyey Baladxaawo,shaqaaqooyinkii ka dhacay Baladxaawo in ay u xireen ilaa 15 askari,maalinta beri ahna ay hor keeni doonaan maxkamad si dambiga ay galeen loogu qaado.

Maxamuud Sayid Aden ayaa waxaa uu soo hadal qaadey waan waan nabadeed oo sidoo kale ka socota Luuq,ka dib markii ay degmadaasi ka dhaceen dilal,waxuuna nabada socota uu ugu mahadceliyey Odoyaasha dhaqanka ee Luuq.

Maxamuud Sayid aden oo dhinaca kale aan weydiinay aragtidooda ku aadan heshiiskii Magaalada Muqdisho ku dhex maray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Jubba iyo waxa uu yahay mowqifkooda ayuu sheegay in shirkaasi ay u arkaan mid ayan ka qeyb gelin,islamarkaana ku kooban magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.

Halkan ka dhegayso Waraysiga Wareysi Maxamuud Sayid Aden oo ka hadley arimo badan

Mobilkaaga ku dhegayso