Golaha barlamaanka oo maanta dib u celiyey Hidisihii dhismaha xarunta daraasaadka kheyraadka badaha somaliyeed

0
54

barlamanka-cusubBaarlamaanka ayaa maanta lagu balansanaa in lagu Ansixiyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Xarunta Daraasaadka Kheyraadka Badaha Soomaaliyeed ayaa dib loogu celiyay wasaarada kheyraadka taasi oo ay ku sheegeen Mudanayaasha baarlamaanka iney tahay mid qabyo ah.

Wasiir ku xigeenka wasaarada kheyraadka Dalka Saciido Xasan Cusmaan ayaa ka hadashay kulanka Baarlamaanka waxayna sheegtay in ay meesha ku yimaadeen codsi kaga yimid Mudanayaasha baarlamaanka hadii lagu celiyona ay ogolaanaayaan

Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maanta shir Gudoominaayay kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa u so jeediyay in sharcigaan la horgeeyo Xukuumada si loogu soo muujiyo qoraalka Ansixinta golaha wasiirada ka dibna loo soo dhameystiro sharciyadooda
Daafeet.Com