Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ayaa faah-faahin ka bixisay heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay kula saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirjaraa’id oo ay Garoonka Muqdisho ku qabatay wasiir Fowsiya ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay uqaabilsan UNHCR ay isla garteen in cidii doonaysa dib loogu celiyo dalkooda.
Waxa ay sheegtay Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka inuusan jiri doonin in xoog dib loogu celiyo qaxootiga, balse cidii doonaysa kaliya dib loo celinayo.
Qaar kamid ah qaxootiga Soomaalida ayaa soo dhaweeyay inaan la qasbin qaxootiga oo cidii doonaysa kaliya dalkooda dib loogu celiyo.
Daafeet.Com