Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo isku raacey in la kordhiyo tirada Ciidamada Amisom ee ku sugan Dalka Somaliya

0
109

securityGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacey in la kordhiyo ciidamada AMISOM lana gaarsiiyo 22,126 oo askari, halka ay hadda ka yihiin in ka badan 17,731 askari oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah.

Sidoo kale, golaha ayaa isku raacay in bilaha soo socda lagu daad-gureeyo ciidamada lagu kordhiyo kuwa AMISOM, waxaana goluhu uu sheegay inay kordhiyeen howlalka Midowga Afrika uuna soconayo illaa 31-ka Oktoobar 2014-ka.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale isku raacay in 12-diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka lagu taageero AMISOM si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo weli maamusha dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla.

Dhanka kale, golaha ammaanka ayaa isku raacay in dowladda Soomaaliya laga taageero dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan sugaan ammaanka guud ee Soomaaliya, maadaama ay hadda gacan ka helayaan kuwa AMISOM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ay ku gaareen in la kordhiyo tirada AMISOM iyo in la taageero dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.
Daafeet.Com