Guddoomiyaha golaha deegaanka ee Baki, Maxamed Aw-Axmed Caateeye oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in roobab da’ayay 70 saacadood oo xiriir ahi ay dhaawaceen labo qof oo guri ku dumay, ayna dumiyeen 116 guri.
Caateeye wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan xoolo aan tiradooda la xaqiijin oo ku le’day roobabka, wuxuuna intaas ku daray in deegaannada qaarkood aysan wali ka war helin .
Wuxuu codsaday in gargaar lala soo gaaro dadka ay bur-bureen guryahoodii oo qaarkood lagu ururiyey iskuul ku yaalla Cali Xayr.
Daafeet.com