Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey dib u howlgelinta Jaamacada Umada Somaliyeed

0
59

Golaha_Wasiirada_Xukuumada_3Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii caadiga ah oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku meel mariyay qorshe lagu hawl-gelinayo jaamacaddii ummadda oo ka mid ah ahayd goobihii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

Goluhu ayaa ansixiyay qorshaha dib loogu hawl-gelinayo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo qoondeeyay miisaaniyad lacageed oo gaaraysa $3.6 malyuun oo daollar, loona gudbiyay wasaaradda maaliyadda.

Agaasinka waxbarashada ee wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhawaan hirgelisay barnaamijka “AADA DUGSIYADA” ayaa dhanka kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacaddii Ummaada, waxana tallaabadani ay ka mid tahay guulaha xukuumadda, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu shirkii hore ee waxbarashada ku ballan-qaaday dib-u-hawlgelinta jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliya oo burbursanayd muddo 23-kii sano ee dalku dagaallada ka socdeen ah.

Sidoo kale, golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay maanta ansixiyey xeerka maamulka hay’adda daraasaadka badaha Soomaaliya ee (HDBS), waxaana dood iyo lafa-gur kaddib uu goluhu isku raacay inay tahay muhiim in la sameeyo hay’addan, si loo waajaho dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliya.

Dhismaha hay’addan oo saameyn doonta cilmi-baaris wuxuu qayb ka yahay qorshah xasilinta Qaranka iyo sidoo kale dadaalka ay Somalia ku dooneyso inay ku hanato dhammaan dhulka, badaha iyo hawada Soomaaliya.
Daafeet.Com