Ciidamada xoogga dalka qaybta 60-aad ee ku sugan gobolka Bay ayaa maanta lagu wareejiyay maamulka guud ee degmada Buurhakabo, kaddib markii ay ka baxeen ciidamadii milateriga ee ka yimid Muqdisho, kuwaasoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay halkaas gacanta ku hayay.
Degmada Buurhakaba ayaa waxaa xilliga wareejintu ay dhacaysay ku sugnaa saraakiil ka socda milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmadaas Al-shabaab.
Ciidamadii shalay banneeyay degmada Buurhakaba ayaa waxay markoodii hore ka yimaadeen Muqdisho, waxayna ka tirsan yihiin guutada lixaad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobollada Shabeellada hoose iyo Banaadir. Iyadoo ciidamadan dhowr jeer lagu eedeeyay inay gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Baydhabo ay isbaarooyin u dhigan jireen.
Askarta la wareegay gacan ku haynta Buurhakaba ayaa waxaa taliye u ah, Jen. Ibraahim Ibraahin Yaroow oo ah taliyaha guud ee ciidamada gobolka Bay ku sugan, isagoo khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidamadu aysan isbaaro u dhigan karin shacabka. Askarigii lagu helo falkaasna ciidamada oo dhan laga saari doono, lana horgeyn doono sharciga.
Daafeet.Com
dareera ilaa iyo arbacorukun ay hawiye laki araganeey soohintiin isin in teleiyaa
walii wanagweda welcome waliixumaan wedidoona washamsiihay ki qaadoy.
waa wax wanaagsan in ciidamada wadanka lagu wareejiyo mamulka degmada oo laga wareejiyo kuwa dhibatada u geysanaya shacabka..wbtfq
arintaasi waa arin fiican waa arin la wada sugeynay waana ku wada faraxsanahay waxaan a codsanaynaa hadaan nahay qoomiyada digil iyo mirifle in labalaariyo dhamaan dhulka aynu dagan nahay in lasoo gaarsiiyo sida ugu dhaqsiyaha badan waana naga codsi
waaaaw waaansoodhweynnaa cidinka maanulka koonfur galbed un lugu warrjyow amn ka dadkoda wa nnshlh gul ayan adin rajynya waligin glzta
Comments are closed.