Maxkamad ku taala Dalka Mareykanka oo xabsi daa,in ku xukuntey wiil Somali ah

0
46

courtMid ka mid ah afar Burcad Badeeda Soomaali ah oo Maxkamadi kaga socotay dalka Mareynkanka ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen afar muwaadim American ah oo dooni saarnaa ayaa shalay waxay Maxkamada Mareynkanka ku xukuntay Xabsi daa’in ah.

Dacwad oogayaal ayaa horay u soo jeediyay in Ninkaan lagu xukumo xukun dil ah maadama uu ku kacay fal kiciyay Shacabka iyo Dowlada Mareynkanka oo ah in isaga iyo Seddex kale sida lagu eedeeyay ay dileen afar American ah.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Xukun Maxamadeedku kula dhacay Mareynkanka ayaa bishii February sanadkii 2011-dii waxay weerar ku qaadeen Dooni ay saarnaayeen dad ka soo jeeda Mareynkanka iyagoona rasaas la dhacay Doonta halkaasina ay ku dileen afar muwaadin American ah.

33-jirka Abukar Osman Beyle oo xukuna xabsi daa’inka ah ku dhacaya ayaa saaxiibadii oo seddex gaarayay horay iyagana Maxkamada ay u xukuntay.
Daafeet.Com