Wasiirada Arimaha Dibada Fowsiya Yusuf oo maanta booqasho ku tagtey Dalka Kuwait

0
40

fowsiyaWasiirka arrimaha dibadda xukuumada federal-ka Soomaaliya Fowziyo Yusuf Xaji Aadan ayaa waxa ay ka degtay magaalada Kuwait ee caasimada dalka Kuwait halkaasi oo ay uga qeyb galyeso wadamada Carabta iyo Afrika.

Kulankaan Kuwait ayaa waxaa ka qeyb gelaya in ka badan 64 dal oo ka socda Afrika iyo dalalka Carabta, waxaana looga hadli doonaa arima badan oo khuseeya qaarada Afrika iyo danaha Carabta.

Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada kulanku khuseeyo ayaa Kulan hor dhac ah halkaasi ku yeelandoona halkaasi 17-ka ilaa 18-bishan iyadoo kadibna madaxda dalalku ay yeelan doonaan kulan madaxeed.

wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdigeeda ayaa waxa ay Kuwait kula shiri doonaan wufuud ka socota wadama badan kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan xariirka wadamadaasi iyo dalka Soomaaliya.

 

Daafeet.Com