Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dib loo dhigo muddo hal sano ah dacwadda loo haysto madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo ay dacwadi kaga socoto maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa ka shiray dalab kaga yimid Midowga Afrika oo ahaa in dib loo dhigo dacwadda labada mas’uul, kuwaasoo loo haysto in ay mas’uul ka ahaayeen rabshadihii ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2007, kuwaasoo ay ku dhinteen 1100-qof tiro kalena ay ku barakaceen.
Kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay arrintan ka yeesheen ayay ku kala qaybsameen, iyadoo ugu dambeyn goluhu uu isku raacay inaan dib loo dhigi karin dacwaddan muddo sannad ah, taasoo ka dhigan in goluhu uu ku gacan-sayray dalabkii ururka Midowga Afrika.
Dacwooyinka loo haysto Kenyatta iyo Ruto ayaa horay u beeniyay inay iyagu mas’uul ka ahaayeen dhibaatooyinkaas, balse waxay go’aansadeen inay hor-tagaan maxkamadda ICC si ay isku difaacaan.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xarunta maxkamadda dambiyada ee ICC ka soconayay dacwad loo haysto Willam Ruto iyo wariye Jushua Arab Sang oo ka mid ah suxufiyiinta Kenya oo ku eedeysan inuu huriyay rabshadihii ka dhacay Kenya.
Daafeet.Com