Ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya oo lagu tababaray gudaha dalka ayaa maanta lagu dhaariyay xero ku taalla deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay halkaas hadallo ka jeediyeen mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ciidamada la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 1,000 askari oo ah kuwii ugu horreeyay oo gudaha dalka Soomaaliya lagu tababaray waxaana xafladda dhaarintooda ka qaybgalay xubno uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, taliyeyaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.
Hadalka uu munaasabadda ka jeediyay wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayuu ciidamada kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan jaadka oo uu sheegay inuu dhaawac weyn u geysanayo howsha ciidamada iyo sharaftooda.
Ra’iisul wasaaraha Somaila oo isaguna hadal dardaaran u badan u jeediyay ciidamada la dhaariyay ayaa ku boorriyay inay ka qaybqaataan howlaha dib loogu soo celinayo ammaanka dalka ayna ogaadaan inay yihiin kuwii dalka ku hoggaamin lahaa nabad iyo kala dambeyn.
Daafeet.Com