Afhayeenka guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin khilaafka siyaasadeed ee soo dhex-galay madaxda dowladda Soomaaliya.
Col. Xumad ayaa sheegay inat gacan ka geysan doonaan sidii lagu xalin lahaa khilaafkan, isagoo sheegay in madaxda Somalia ay ugu baaqayaan inuusan wanaagsanayn muran oo uu sababayo dib u dhac ku yimaada horummaradii la gaaray.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in maanta uu dhici doono is-arag uu la yeelan doono madaxweyaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, kaasoo labada mas’uul lagu dhex-dhexaadiyo.
Muranka u dhexeeya madaxdadowladda Soomaaliya ayaa gaaray heer aad u sareeya, iyadoo la sheegayo in madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu ka tago shaqada ra’iisul wasaaraha, halka Saacid uu ku adkeysnayo in lagu kala baxo baarlamaanka hortiisa iyo dastuurka dalka u yaala.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com