Dhegayso…Danjire Mahamatt Saleh Annadif oo booqday Xarunta shirka maamul u samaynta KoonfurGalbeed ee Baydhabo.

1
70

muhanad

 

 

 

 

 

Danjire Mahamatt Saleh Annadif oo ah ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Wafdi balaaran ee uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay kasoo degeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee  ShaatiGaduud ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Annadif oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee ShaatiGaduud ayaa safarkiisa ku tilmaamay mid la xiriira u kuur-gelidda xaaladda gobolka,Tan shirka KoonfurGalbeed iyo qaabka ay halkaasi uga howlgalaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Danjiraha iyo wafdigiisa ayaa waxay xarunta uu ka socdo shirka maamul u samaynta Lixda gobol ee KoonfurGalbeed kulan kula yeesheen Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiin iyo Maamulka gobolka Baay
Kulanka oo ahaa mid saraaxad iyo si furfurnaan leh loogu wada hadlay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin dhismaha Maamul goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya,Arimaha Amniga iyo Horumarinta.

Wafdiga oo weli ku sugan magaalkada Baydhabo ayaa waxaa la filaayaa inay saxaafada war siiyaan kolka ay dhamaystaan kulamadooda.

Halkan ka dhegayso khudbadahaUnknown Album

Kudhegayso Mobilkaaga

1 COMMENT

Comments are closed.