Dhegayso…Ra’isul Wasaare Saacid: “Waa in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka No.50”

0
68

sacid

 

 

 

 

 

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda deegaanka No.50 ee degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose.

Saacid ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed
“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey No. 50 labadii maalmood ee u dambeeysey waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaalamay.
Waxaana ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka si dhaqso ahna loo furo waddada khilaafkana wadahadal lagu xaliyo,”wuxuuna tacsi u diray qoysaskii dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas.
Inkasta oo uu baaqan jeediyay Ra’isulwasaare Saacid ayaa waxaan hadana la ogayn sida ay u qaadan doonaan hogaamiyayaasha dagaalka beelaha Hawiye oo ay horkacayaan horjoogayaashii burcada ee Indhacade iyo Goobaale.

Dhanka kale Ciidanka milateriga(Maleeshiyaadka Hawiyaha) ayaa la soo sheegayaa in laga soo saaray duhurnimasdii maanta deegaanka No50 ka dib markii ay muddo kooban gacanta ku dhigeen aroortii hore ee maanta.

Ciidamo madani ah(Maleeshiyada BiyoMaal) oo degaankaas ku sugnaa ayaa isaga baxay saaka ka dib markii ay arkeen ciidamada dowlada(Maleeshiyaadka Hawiyaha) oo wata 20 gaari oo nooca dagaalka ah, hase ahaatee labo saacadood ka dib ayey wararku sheegayaan in ciidamo degaanka ah iyo kuwii madaniga ay weerar rogaal celis ah soo qaadeen iyagoo dagaal culus ka dib ku qasbay ciidamada milateriga iney dib uga baxaan degaanka Km50 sida warar madax banaan ay sheegayaan.

Goob joogayaal ku sugan degaanka KM50 ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee ciidanka milaterigu(Maleeshiyaadka Hawiyaha)  joogeen Km-50 ay degaanka ka geysteen tacadiyo kala duwan oo ay ku jiraan guryo rasaas lagu furay, dad shacab ah oo ay dileen, iyo boob ay kula kaceen goobo ganacsi oo halkaas ku yiilay.

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

Ku dhegayso Moobilkaaga

Wararkii ugu danbeeyay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada milateriga(Maleeshiyaadka Hawiyaha) ee laga taag roonaaday ay haatan ku sugan yihiin degaanka laanta Buuro oo u dhow degmada Afgooye

Ugu yaraan 16qof oo u badan shacab ayaa ku dhintay dagaalkii saaka, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana degaanka km-50 haatan ku sugan ciidamadii madaniga iyo kuwii degaanka.