Golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa baaq loo dhan yahay u diray dowlada Soomaaliya kaasi oo ku aadan ansixinta sharciga mamnuucida burcad badeeda Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday wadamada bariga africa inay labo jiraan la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay wadamada bariga africa inay howlgalka ka dhanka burcad badeed ay ka sameeyaan biyaha iyo bariga si loo dabar gooyo kooxo soo abaabulo ee dhaqaalaha ku taageera weerarada ay u geysanayaan maraakiibka isticmaasha biyaha mashquulka badan.
Golaha amaanka ayaa soo dhaweeyay wararka ku aadan hoos u dhaca ku yimid weeraradii ay qaadi jiraan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo maraakiib badan iminka ay ilaaliyaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.
Golaha ayaa ansixiyay qaraar dhigaya in dib loo abaaulo maraakiibta la dagaalanla burcad badeed maalintii shalay, iyagoo dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay dardar geliso dagaalkeeda ku wajahan xeritaanka burcad badeeda iyo in maxkamad lasoo taago.
Daafeet.Com