Warar kol dhow inaga soo gaarey Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax noociisa lagu sheegay inuu yahay ismidaamin.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxan oo ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga Magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Rag hubaysan ayaa gudaha Saldhiga ku sugan sida dadka qaarkood oo aan la hadalnay ay soo sheegayaan iyadoo ay dhaceyso rasaasta.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal adag kula jira ragan qabsadey Saldhiga Magaalada Beladweyne, waxaana rasaasta ay ka dhaceysa gudaha Saldhiga.
Daafeet.Com
kkkk walahi yaab sag dhig dhan oo booliski laga saaray mida kale waxa kadaran nimanka qabsaday mahan niman magalada dhinac ka heysta
Comments are closed.