Xoghayahaa Guud ee Qaramada Midoobey Bank Moon oo cambaareeeyey Qaraxii ka dhacay Baledweyne

0
86

bankiXoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Beledweyne isagoo sheegay in weeraradaas argagixisadu ay qaaday ay sababeen dhibaato ballaaran.

“Xoghayaha guud ee qaramada midoobay wuxuu cambaaraynayaa weeraradaas iyo kuwo kale oo la mid ahaa oo dhacay asbuucyadii lasoo dhaafay” ayuu ku yiri Ban Ki moon qoraal uu soo saaray.

Weeraradii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 qof ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay Alshabaab oo kamid ah ururada hoostaga ururweynaha Alqaacida.

Dawlada Jabuuti oo ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan magaalada Beledweyne ayaa shaacisay in askarigii ugu horreeyay uu kaga dhintay weeraradan oo ahaa kuwo loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah dabadeedna kooxo hubaysan ay gudaha u galeen saldhig boolis oo ku yaalay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 
Daafeet.Com