Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorshaynayso inay weerarro ka geysato goobaha waxbarashada dalkaas, gaar ahaan xarummo Kampala ku yaalla.
Warkan oo ay saakay qoreen wargeysyada dalka Uganda ayaa lagu xusay in xogta ay hayaan ay sheegayso qatar ku wajahan xarumaha wax-barashada gaar ahaan jaamacadaha dalkaas oo ay dhigtaan dad badan oo ajnabi ah.
Afhayeenka booliska Uganda Judith Nabakooba ayaa sheegtay inay amniga guud ee caasimadda Uganda aad u adkeeyeen, isla markaana ay ciidammo geeyeen qaar ka mid ah jaamacadaha si ammaanka loo adkeeyo.
Booliiska Uganda ayaa dhowr jeer oo hore ka digay weerarro ay Al-shabaab doonayso inay ka geysato gudaha dalkaas, inkastoo aysan waxba dhicin, balse digniintan ayaa noqonaysa tii ugu dambeysay oo ay Al-shabaab soo saarto.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalal ay ku jirto Uganda oo ay ciidammo nabad ilaalin ah kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, inkastoo Al-shabaab aysan sheegin xilliga ay qaraxyadaas geysan doonto.
Daafeet.Com