Dhegeyso:- Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtey kana hadley safarkiisa

0
81

jawaariWafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta dib ugu soo laabtey dalka waxaana Airporka Adan Cade kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,inta ugu badan XIldhibaannada Golaha Shacabka,saraakiisha Ciidammada,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweyntaasi kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen dalka Kuwait.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay inuu kulammo gaar gaar ah kula qaatay dalka Kuwait madax ka kala tirsan caalamka sida Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Carabta iyo Afrika.

 

Gudoomiye Jawaari

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Gudoomiye Jawaari Mobil

 

Daafeet.Com