In ka badan 25 haween ah oo ku nool magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay ayaa maanta u fariisanaya imtixaanaad ay soo qaban qabisay wasaarada horumarinta adeegga bulshada agaasinkeeda caafimaadka, kaasi oo lagu xulanayo gabdho ka qeyb qaata haqab tirka baahiyaha umulisonimo ee ka jira gobolada dalka oo ay hormuud ka tahay wasaarada.
Haweenka maanta imtixanka looga qaadayo magalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa wasaradu qorsheyneysaa in ay ka soo baxan 25 haween ah kuwaas oo ka howlgali doona wasarada horumarinta adeegga bulshada agaasinkeeda caafimadka ee gobolada Baay Bakool iyo Gado oo ay ka jirto baahiyo dhanka umulinta haweenka ah sida Radio Muqdisho uu u sheegay Yuusuf Barre Maxmed oo ah isu duwaha cafimadka gobolka Baay.
Sidoo kale isu duwaha cafimaadka gobolka Baay ayaa shegay in qorshaha wasarada horumarinta adeega bulshada agaasinkeeda cafimadka ay haweenka uga qaadeyso imtixanka uu yahey kii ugu horeeyay ee ey ka hirgaliso gobolka Baay.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com