Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiis ku saabsan shirkada Somali Airline oo uu lasoo galay shirkado sameynaya diyaaradaha Somali Airline.
Ciilmooge wuxuu sheegay in dalka Dubai uu kula kulmay masuuliyiinta shirkad Shiinaha laga leeyahay oo muddo sideed Bilood gudahooda ku sameynaysa afar diyaaradood oo ay ku howlgasho diyaarada Somali Airline.
Wuxuu sheegay in amuurtaan ay u galeen dadaal dheeri ah oo ku aadan dib usoo nooleynta shirkadii Somali Airline ee dalka Soomaaliya oo tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee Soomaaliya iyana la waaye.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
ciilmooge Mobil
Daafeet.Com