War kol dhow aynu ka helney xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulankii Baarlamaanka ee looga hadlaaye mooshinka Ra’iisul Wasaaraha laga soo gudbiyay uu gabi ahaanba fashil ku dhow yahay.
Kulanka oo saxaafada ay banaanka ka joogtay ayaa markii la aqriyay Mooshinka Xukuumadda laga keenay, waxaa laga waaye magacyada Xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay, iyadoo aysan ku qorneyn saxiixa Xildhibaanada mooshinka soo gubdiyay, taasi oo ay ka cadhoodeen Xildhibaanada dhanka Ra’iisul Wasaaraha taageersan.
Intaasi kadib ayaa waxaa hoolka shirarka Golaha shacabka isaga soo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwii taageersanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inuusan sharci aheyn mooshinka.
Tirada Xildhibaanada soo xaadiray ayaa waxa ay gaarayaan 201 Xildhibaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, waxaana dib loo dhigay mooshinka Xukuumadda ilaa 30-Bishan.
Daafeet.Com