Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kulankaasi oo lagu iclaamin doono sax ahaanshaha Mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 168-Xildhibaan, kuwaasi oo aan la dhacsaneyn qaabka xukuumadda Saacid ay ku shaqeyso.
Shalay waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Guddi ee joogtada Baarlamaanka, kuwaasi oo ka doodan qaabka ugu haboon ee mooshinka looga doodi karo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta Xildhibaanada loo qeybinayo qoraalada mooshinka si ay usoo aqristaan, kadibna looga dodo ayna soo baxdo natiijada dooda.
Daafeet.Com