Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose iyo gudoomiyaha degmada afgooye ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose si ay ugu kuur galaan fataahaadii deegaanada gobolkaasi uu ka geystay wabiga shabeelle.
C/qaadir Maxamed Nuur Sidii guddoomiyaha Gobolka shabeelaha hoose oo uu wehliyo guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa u jeedada socdaalkooda ay ku tegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi uu yahay mid ay ugu kuur galayaan saameynta uu biyaha webiga shabeelle, iyagoo xog wareysi la yeelanaya dadka uu sameynta ku yeeshay biyaha webiga shabeelle.
Guddoomiyaha goboka shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fatahaada webiga shabeelle uu sameeyay dadka badan oo ku dhaqan deegaanno hoostaga gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in ay ku bas beeleen dalagyo kala duwan.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com
masha allaah good leader gadoomiye saas ayaan kaa rabnaa
Comments are closed.