Dhegeyso:- Reysulwasaaraha oo sheegey inuu aqbali doono go,aan walba oo kasoo baxa kulanka baarlamaanka

0
72

saacid-Shirka jaraa’id oo muddo saacad ku dhow socotay ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uu u aqrinayay Warbaahinta Khudbad uu ugu tala galay inuu shalay Baarlamaanka ka jeediyo, hase ahaatee ay Xildhibaanada u diideen inuu hor-yimaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiiro ka mid ah Xukuumadiisa ay wax ka abaabuleen mooshinka, isla markaana doonaya in isaga meesha ka saaraan sida uu yiri

“Wasiiro ka mid ah xukuumada oo qaba in ayaga soo haraya in si sahlan la ii bixiyo ayay rabaan waa koox dano gaar ah wata oo qatar ku ah ammaanka dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Mar uu ka hadlayay tallaabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku diideen inuu hor yimaado si uu isu difaaco ayuu waxaa uu ku tilmaamay go’aankaas mid wax lala yaabo.

 

Reysulwasaare saacid

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Reysulwasaare saacid Mobil

 
Daafeet.Com