Faroole oo magacaabey gudiga doorashooyinka

0
78

farooleMadaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal maanta oo tallaado ah kaga dhawaaqay Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Puntland.
Warqad kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha maamul goboleedka puntland Faroole, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha maanta uu magacaabay Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Puntland.

Guddigan ayaa ka kooban sideed xubnood, waxaana magacaabistooda ay kusoo beegmeysaa xilli Musharaxiinta Puntland ay ka digeen in Faroole kaligiis uusoo magacaabo Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Puntland.

1- Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2- Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3- Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4- Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5- Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6- Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7- Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.
Daafeet.Com