Danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa gaaray magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta gobolada Koonfur galbeed.
Neil Wigan ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay, kan degmada iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay arrimaha ammaanka, gargaarka iyo shirweynaha hadda ka socda magaalada Baydhabo ee dowlad goboleed Koonfur galbeed lagu dhisayo.
Safiirka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in booqashadiisa Baydhabo ay salka ku hayso in ay ogaadaan xaaladda guud ee gobolka, wuxuuna intaas ku daray in Britain ay si la mid ah dalka intiisa kale ka qeybqaadan doonto horumarka gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka Baay Cismaan Macallin Cali ayaa isna sheegay in ay danjiraha ka codsadeen in gacan laga siiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Daafeet.Com