Tan iyo sanadii 2000 waxaa meel mar u noqotay siyaasiyiinta beelaha Soomaalidu inay awooda dalka ay ku qaybsadaan nidaam qabali ah oo lagu sal gooyay 4.5.
Inkasta oo nidaamkani siyaabo kala duwan loo dhaliilayo ayaa waxaa hadana uu ilaa iyo maanta yahay Halbeega muga lagu cabiro ruuxii la doono in mansab siyaasadeed laga siiyo dalka.
Hadaba waxaa intii uu soo socday nidaamkan 4.5 ay meel mar noqotay in qaar ka mid ah beeluhu ay isa siiyaan kuraasta dalka ugu saraysa sida Digil iyo Mirifle oo xirtay gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Hawiye iyo Daarood oo midba kan kale ula taagan inuu u hanbeeyo xilka Ra’isulwasaaraha dalka kol hadii uu helo xilka Madaxweyne-nimo halka beesha Direed iyo Tan Shanaadna ay soo dhaafi la’yihiin inay garba buuxis u noqdaan gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay Midig iyo Bidix ka fariistaan.
Hadaba Sedex iyo Tuban sanadood oo mashruucan 4.5 soo socday kadib ayaa waxa uu haatan Farmuuq iyo Muran aan dhamaan dhex dhigay xulifadii siyaasadeed ee caadada ka dhigtay isu hanbaynta jagooyinkan sare ee hay’ada fulinta dalka taasi oo haatan aad moodo inuu waqtigeedii uu gabaabsi yahay Xulufadiina ay xaqiiqsadeen inayan wada shaqayn loogu adeego umada ayan dhex mari karin.
Muuqaalkan aan ifinaayo ma ahan mid aan shacabku arag balse waa mid guud ahaa Ummaddu ay aad uga sheekaysato una garaawaan beelaha sida gaarka ah loo takooray balse waa ummad iyo caadadeeda ee masoo dhaafto sheekada Calaacal iyo sidan ayay ku fiicnayd,hadii sidan la yeeli lahaa iyo maa sidanba la yeelo!.
Waa dhab ninkii yiri Talo adaa ku nool ma ahee iyada kuguma noola oo hadaan si kale u dhigana ayba haboonayd in tala wadaag inta la noqdo tubta toosan dalka iyo dadkuba loo horseedo laguna hogaamiyo.
Hadaba waa iga su’aale ma waan la gaarin xiligii dalka iyo dadkuba dhihi lahaayeen ka boganay Xulufada xafiiltanka iyo isu hanbayntooda?!
Waa dhab inuu shacabka maanta uu u garaawayo kuwii siyaasada laga takooray(Quursaday) lana tabaayo kaalintooda lana arko inay banaantahay mudo waana muuqataa inuu Shacabku la dagaalay kuwii isu sadeeyay(Hibeeyay)wax ayan gaar u lahayn ee si guud ay ummaddu u wada leedahay.
Hadaba kol hadii xaqiiqda dalka ka jirtaa ay taa tahay ma waanay haboonayn inaan su’aal iska weydiino ruuxa xigi doona Saacidkii hanbada laga eryay?
Sidoo kale ma waanay haboonayn in aan il gaar ah ku eegno dareenka iyo Damaca Fowziya,Rogrogista Dubnad Siyaasadeedka madaxweyne Xasan Shiikh,Dareenka walwalka leh ee uu qabo gudoomiye Jawaari iyo Danayta iyo Isasiinta Beesha Daarood ee kursigan banaan.
Dareenka iyo Damaca Fowziya.
Fowziya waa haweenay Soomaaliyeed lehna Aqoon iyo Karti hogaamineed ayna u dheer tahay fahamka siyaasadaha beelaha Soomaaliyeed iyo tan caalamka maanta, Fowziyo waxayna kasoo jeedaa gobolada Waqooyi oo iyagu isku darsankii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi kadib ku mutaysan kara in Kursigan banaan ay buuxiso maadaama uu Madaxweyne reer Koonfureed ahi uu joogo,Waa Haweenay ku timid xisaab loo qoondeeyay inay haweenku ku yeeshaan golayaasha dowlada taana waxay siinaysaa inay noqoto gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliya ka qabata xilkan taasi oo indhaha caalamku ay aad ugu doogsan doonaan,
Fahamkeeda Siyaasad beeleedkuna waa Gabar Irir ah kuna timid xisaab beeleedka 4.5 iyadoo Dir ah Awlaad Hiraab ah hooyo u ah kalana hagi karta isuna soo dumi karta in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed.
Hadaba intan oo lagu daray kuwo kasii badan waxay dareen iyo damacba gilinayaan Fowziyo iyo Taageerayaasheeda oo iyagu ku taamaya in la gaaray xiligii inta seefta galka lagala baxo la diidi lahaa quursiga beesha Direed lagu hayo ee ku aadan kursigan isla markaana ay Fowziyo isku cabiri la hayd Kursiga inuu qaado iyo in kale.
Inkasta oo ay sidaan qabaan Fowziyo iyo Taageerayaasheeda ayaa waxaa isna mowqif aan cago badan ku taagnayn oo isbedbedel badan iyo Dubnad kala rogrogis ku jira Madaxweyne Xasan Garguurte oo isagu haatan u muuqda nin raba inuu ciyaaro Qamaar aad looga baqayay ciyaaristiisa 13kii Sano ee lasoo dhaafay kaasi oo ahaa in Madaxweyne Soomaaliyeed oo reer koonfureed ah misna ku yimid qoonda beeleedka 4.5 oo Hawiye ama Daarood kasoo jeeda inuu ku dhiirado in uu Ra’isulwasaare ka dhigto ruux kasoo jeeda reer Waqooyiga amaba beesha Direed in Haweeney kursigan lasiiyana warkiiba daa’.
Dareenka walwalka leh ee uu qabo gudoomiye Jawaari
Waxaa isna dhankiisa welwel iyo dareen aad u weyn ku abuuran gudoomiye Jawaari oo isna aad u jecel inuu arko in isu hanbaynta kuraastan Hawiye iyo Daarood mar uun laga gudbo oo beelaha hadba sida lagu heshiiyay ay wax ku helaan oo welibana loo sinaado kuraasta iyo noocwalba oo ay ahaadaan taasi oo uu gudoomiye Jawaari uu u arko inay tahay wadada kaliya ee lagu heli karo in Qarankii Soomaaliyeed dib loo yagleelo misna la helo isku kalsoonaan iyo awood ay wax ku qaybsato ummadda balse waxaan gudoomiyaha ka maqnayn maskaxdiisa in Qamaarka madaxweynaha uu keeni karo fashil ka balaaran kan maanta la dhexjoogo oo ah ISUHANBAYN kuraas waxa uuna keeni karaa kala tegis intii yarayd ee iyagoo Maro iyo Maqaar kala ahaa hadan danta laga dayay in laysku tulo,halka soo noqoshada siyaasad beeleedkii IRIR-na uga dhigan tahay gudoomiye Jawaari wadadii hore ee lagu fashilmay oo dib loogu laabtay.
Danayta iyo Isasiinta Beesha Daarood ee kursigan banaan
Intan oo dareen iyo welwel ee uu qabo gudoomiye Jawaari ayaa waxaa u dheer oo uu il gaar ahna uu ku arkaa Danayta iyo Isasiinta Beesha Daarood ee kursigan banaan oo u muuqda in ruux aan Darood ahayn hadii uu ku fariisro kursigan inay beeshu uga dhigan tahay iyadoo siyaasadii dalka looga adkaaday beesha isla markaan ay guud ahaan Geeri Gablan ah ay ku tahay damaca Beesha Daarood oo runtii u muuqday waayadan danbe mid ka weyn xaqiiqda.
Hadaba sidee loo kala xalin doonaa si loo buuxiyo kursigan banaan Damaca Fowziya,Rogrogista Dubnad Siyaasadeedka madaxweyne Xasan Shiikh,Dareenka walwalka leh ee uu qabo gudoomiye Jawaari iyo Danayta iyo Isasiinta Beesha Daarood kursigan?!!!.
Kk runta ayad ka hadashey abdiaziz ani ra,igey hadan ka dhibto korsigan Dir halasiyo ama raxweyn halasiyo darodka gadomiyaha barlamanka haqato
Comments are closed.