Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa u diidday in damiin lagu sii daayo afar nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay caawiyeen dableydii weerartay xarunta dukaamada Westgate ee magaalada Nairobi bishii September.
Qaalliga sare ee Nairobi Kiarie Waweru Kiarie ayaa sababta uu ugu diiday in damiin lagu sii daayo eedeysanayaasha Soomaalida ku tilmaamay inuu ka cabsanayo inay carqaladeeyaan baaritaanka lagu hayo weerarkii Westgate.
Afarta nin ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi Cumar, Xuseen Xasan iyo Adan Maxamed Ibraahim.
Maxkamadayntooda ayaa billaabanaysa January 15, sida ay sheegtay maxkamadda. Nimanka ayaa lagu hayn doona xabsiga tan iyo inta laga gaarayo xilligaas.
Daafeet.Com