Munaasabadda casho sharafta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla,intabadan Mudaneyaasha Baarlamaanka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Gudoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hogaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda waxaana ay Xildhibaannadu u mahad celiyeen Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)oo ay ku ammaaneen sida geesinimada leh ee go’aanka Baarlamaaanka uu u aqbalay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa xusay in u jeedada Munaasabaddan ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu u mahad celiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu yiri “Mahadsanidiin maadaama aad ilaaliseen Qalbigii shacabka,Mahadsanidiin maadaama aad muujiseen mas’uuliyadda Xildhibaannimo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanku uu yahay tiir dhexaadka Dowladda islamarkaana ay shacbiga Soomaaliyeed ku tashanayaan sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo Midnimada Baarlamaanka,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aad u ammaanay doodihii Xildhibaannada taasi oo ka turjumeysa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey gebagebadii Munaasabadda ayaa ugu horeyn Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudoonkaba ku ammaanay sidii quruxda badneyd ee ay u guteen waajibaadkooda qaran,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha u mahad celiyey islamarkaana ammaanay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Daafeet.Com