Qarax Xoogan oo is midaamin ayaa Maanta Kadhacay Boosaaso gaar ahaan Agagaarka Hotel imaraad ee Magaaladda Boosaaso Qaraxan ayaa lala Beegsaday Ciidamadda SARACEN ee Ilaalada Badda Puntland iyo Sido kale Saraakil Cadaan ah oo mid kamid ah uu dhintay mid dhawac ah ahaan lo qaaday.
Dhimashadda ayaa la shegay in ay Garayso 3 qof halka Dhaawaca uu yahay 25 qof sida ay shegayaan dadka ku sugnaa Goobta uu qaraxa kadhacay halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda Puntland oo dadka ku kala Cayrinaya Rasaas Xoogan.
Goobta uu Qaraxa ismidaaminta ka dhacay Waxaa Gaaray Gudoomiyaha Gobalka Bari cabdisamad Galan iyo Saraakisha Amaanaka sido kale Gudoomiyaha ayaa Booqday Isbitaalka Guud ee Boosaaso.
Afaafka Hore ee isbitaalka Waxaa ku sugan Ciidamadda Puntland kuwaas oo dadka ka Celinaya in Meesha ay galaan waxaana Wali Gobanaya Gaarigii lala Beegsaday Qaraxa ismidaaminta ah .
Daafeet.Com