Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go’aankii golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee uu gaaray taariikhdu markay aheyd 2-da bisha Dec. 2013.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa Arrimaha Amniga iyo ka doodista go’aanka uu kalsoonida kala laabtay Baarlamaanka Soomaaliya Xukuumada Federaalka
Gabagabada kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” isaga oo sheegay in golaha Wasiiradu ay ka hadleen go’aankii golaha Baarlamaanku qaatay, isla markaana ay si buuxda u aqbaleen natiijada. Waxa uuna yiri.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay’addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.
Daafeet.Com