Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isagoo sheegay in dhawaan ay magaaladaas tegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno wehlinaya.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in socdaalkiisa uu hordhac u yahay wafdiga ka socda golaha baarlamaanka ee Baydhabo tagay uuna ka qaybgeli doono shirka Baydhabo ka socda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay dhawaan Baydhabo soo gaari doonaan tiro xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, inkastoo uusan sheegin qorshaha ay u tagayaan Baydhabo.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo, Cismaan Macallin Cabdi iyo Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa iyaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin safarka xildhibaanka Sheekh Aadan Madoobe uu ku tagay Baydhabo ayna soo dhaweyn doonaan xubnaha kale ee soo socda.
Daafeet.Com
A/asalaamu aleykum horey ayaa loo yiri mu,minka laba hal god lagama qaniino nimankaan waa ku wii yeysan hadana idin halaagin Nimaan Kuu Furi Doonin Yuusan Rarin.
Comments are closed.